U bood dhigaalka

Wasiirka Horumarinta Caalamiga Ingiriiska Oo Goobjoog Uga Warrantay Arrimaha Banii’aadnimada

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha horumarinta caalamiga ee Britain Penelope Mary Mordaunt oo Goobjoog News siisay wasreysi gaar ah ayaa ka hadashay walaaca ay ka qabto arrimaha banii’aadnimada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha horumarinta caalamiga ee Britain Penelope Mary Mordaunt  oo arrintaasi ka hadleyso waxaa ay tiri‘Xiriirkeenna waa mid dhinacyo badan, walaaceenna ugu weyn waa kan banii’aadnimada, waxaan sanadkii hore guullo- ka gaarney dhibaatooyinka abaaraha, waxaan wax badan ka baranay kooxaha nala ologga ah oo arrimahan nooga horeeyay”.

Mar ay ka hadleysay wax ay Soomaaliya ka rabaan waxaa ay tiri “Arrimaha banii’aadnimada waxaa rabnaa in Soomaaliya ay hor-u-marto, waxaan kulamo la yeeshay wasiirro badan oo uu ku jiro wasiirka maaliyadda, waxaan il gaar ah ku heynaa sidii loo hor mari lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxaan la fal-geli karnaa maalgeshiyada halkan ka jira

Waxaa ay ammaantay sida UK Aid uga qeyb-qaadatay abaartii dalka ka jirtay sanadkii tagay oo wax badan laga hortagay iyada oo lacago yaboohday  “Waxaa ballan-qaadney lacag arrimaha banii’aadnimada  oo gaaraya illaa  21 million oo deg deg ah iyo  40 million oo kale  oo bilaha soo socda ah.

Waxaa ay carrabka ku adkeysan in dadka baahan ay gaarto gargaarka, Intii ay joogtay in ay ka kulantay dad matalo bulshada rayidka ah sida haweenka, dhalinyarada iyo dadka qaba baahiyada gaarka ah, in ay dadka ka faa’ideystaan sida UK ugu hormartay  abuurista gacansiga

Ugu dambeyntii, waxaa ay sheegay in UK ay ka hirgelisay barnaamij lagu hormarinyo caruurta iyo haweenka, muhiimna ay tahay in ay helaan matalaad dhab ah.

Goobjoog News