U bood dhigaalka

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo Oo Ku Geeriyooday Itoobiya

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha maamulka Khaatumo Yaasiin Axmed Sulub ayaa lagu soo waramayaa inuu saakay ku geeriyoodey magaalaa Diridhaba ee dalka Itoobiya.

Qaar kamid ah ehlada wasiirka ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in si lama filaan ah looga qabtay wadnaha islamarkaana uu horey ka dhintay.

Yaasiin Axmed ayaa kamid ahaa Qurbe-joogta Soomaaliyeed, waxaana muddo uu hayey xilka wasiirka arrimaha gudaha Khaatumo.

Sidoo kale Marxuumkan ayaa kamid ahaa Qurbe-joogta sida aadka ah maalgashiga uga wadey deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News