U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Degmada Waabari

Sheeko:Dalka

Degmada Waabari oo ka tirsan 17 degmo ee gobolka Banaadir dhul ahaan waxaa la aas-aasay sanadii 1957-dii,  waxaana bixiyey duqii magaalada ee xilligaasi lana dhihi jiray Asalooti dhalasho ahaanna ka soo jeeday dalka Talyaaniga.

Waxaa ku yaallo in ka badan 25 masjid iyo suuq weyn oo degmadu caan ku tahay sidoo kale waxay leedahay hal saldhig iyo labo MCH.

Sanadkii 1972-dii ayaa asalka degmada magaca iyo calankeedaba waxaa yegleelay Maxamed Cabdi Yuusuf oo aabihii ka mid ahaa halgamayaasha Soomaaliyeed oo ku dhintay dagaalkii dhagax tuur.

Waabari waxaa ay caan ku tahay goobo Taariikhi ah oo muddo soo jiray taariikh ahaanna qofkii arko ay maskxdiisu ku soo dhaceyso berisamaadkii iyo xiligii lagu jiray halgankii lagu baadi goobayey xoriyada.

Cismaan Maxamuud Maxamed Odayaasha Demada waxaa uu yiri :

“Meeshaan halganka Soomaaliya ayaa ka bilowday taaladaani waa taalada uu ka bilowday halgankii Soomaaliya dhagax tuur waxaa uu ku baxay waxay aheyd meel gumeystaha ay u badnaayeen ayna soo mari jireen “.

Dadka ku dhaqan degmada Waabari nolol ahaan waxay ku tiirsanyihiin ganacsiga iyo xoogsiga maalin laha ah waana dad ay ka dhaxeyso derisnimo iyo walaalnimo soo jireen ah taas oo ay ku saleeyeen hal heyskooda ah.

Rowdo Cabdullahi Colaad Guddoomiyaha degmada Waabari:

“Waabariyow wanaagsanow walaalaheen waa ay is wataan waxaa ay ku dheehantahay hadaad fiirisid ereygaas waxaa kuu soo baxayo walaalaha is wato waabari waa meel aad u kala duwan nolol ahaan kala duwan dadka meelaha ay ka kala yimaadeen ayaa kala duwan”.

Waabari waxay deris la tahay soohdimana ay wadaagaan degmooyinka ugu badan ee gobolka Banaadir taas oo muujineyso baaxadda ay leedahay iyo meesha ay ku taallo ah meel dhextaal u ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Rowdo Cabdulahi Colaad Mar kale

“Degmadaani waa degmada gobolka Banaadir ugu xaduuda dheer waxaana xaduud la leh lix degmo oo kala ah Xamar-jajab, Xamar-weyne,h Hodan, Hoolwadaag iyo Wardhiigley”.

Degmada waxaa ku yaallo guryo badan oo ay deganaan jireen dad soo maray heer madaxweyne,ra’iisulwasaarayaa,wasiiro siyaasiyiin iyo dad kaloo bulshada Soomaaliyeed saameyn ku dhex leh.

Maxamed Cubiye Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada

“Halkaani waa gurigii madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo kuna dhashay kuna sooo barbaaray ilaa waxbarashadiisii ayuu deganaa gurigaani waxaa uu ka mid yahay goobaha taariikhda leh eek u yaallo degmada”.

Marka la eegi sooyaalka waxbarashada ee degmadaani waxaa ku yaallo 17 Iskuul oo taariikhi ah oo iskugu jira hoose,dhexe iyo sare iyo iskuullada gacanta farsamada.

Goobjoog News