U bood dhigaalka

Wax Ka Baro: Hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka iyo Dowrka Labada Guddi

Sheeko:Dalka

Sida uu qabo Dastuurka sida KMG loo ansixiyey 2012 gaar ahaan qodobada 63aad iyo 71aad, awoodda wax ka bedelka Dastuurka waxaa iska leh Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal. Baarlamaanka Federaalka waxaa uu doortey Guddi ka kooban 10 xubnood sida uu qabo qodobka 133aad ee Dastuurka. Guddigan oo loo yaqaan Guddiga La-socodka Dib-u-eegitsa Dastuurka ayaa la soconaya, tilmaamaya, islamarkaana ansixinaya howlaha Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.
Guddiga Madaxbannaan oo ah Guddiga qoraalka islamarkaana hoos imaanaya Guddiga La-socodka ee Baarlamaanka, waxaa soo jeedinaya wasiirka u xilsaaran Xukuumadda oo liis hor geynaya golaha wasiiradu si ay ugala baxaan shan xubnood ka dibna Reysul-wasaaraha ayaa u soo bandhigaya labada Aqal si ay u ansixiyaan. Waxaa intaas dheer in dawlad goboleed kasta ay min laba xubnood soo magacaabanayaan si ay ugu kala biiraan labada Guddi, Guddiga la-socodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxabannaan.
Sida ay Shaqada u Kala leeyihiin Labada Guddi
Guddiga La-socodka Dib u eegista ee BFS waxaa waajibkiisa ka mid ah:
Inuu la socdo, tilmaansiiyo islamarkaana ansixiyo howlaha Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-Eegista Dastuurka.
Inuu u xilsaaro Guddiga Madaxbannaan wax-ka-bedelka qabyada ah ee Dastuurka, qoris shuruuc qabyo ah oo ku saleysan baahiyaha Jadwalka C iyo D iyo wixii kale ee muhiim loo arko.
Kala-mudnaansiinta wax-kabeddelka Dastuurka iyo Mashaariic Shuruuc muhiim u ah Dib u eegista Dastuurka.
Inuu wax ka beddelka Dastuurka ku wargeliyo kalana tashado dhamaan dadweynaha qaybahooda kala duwan ee ku nool dhamaan gobolada dalka.
Inuu wax ka bedelka Dastuurka kala tashado xubnaha Baarlamaanka Federalka, xubnaha golayaasha sharci dajinta Dawlad goboleedyada iyo laanta fulinta ee dawlad goboleedyada.
Inuu Baarlamaanka Federaalka u gudbiyo warbixin ku saabsan horumarka laga sameeyey wax-ka-beddelka Dastuurka iyo shuruucda kaleba saddexdii biloodba mar.
Inuu latashiga dadweynaha ka dib u gudbiyo Baarlamaanka Federaalka wax ka beddelka la soo jeediyey si loo ansixiyo.
Guddiga Madaxbannaan ee dib u eegista Dastuurka waxaa waajibaadkiisa ka mid:
Inuu sameeyo qoraalka rasmiga ah ee wax-ka-beddelka Dastuurka iyo shuruucda mudnaanta u leh dib u eegista asagoo raacaya tilmaamaha iyo amarka Guddiga la socodka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Inuu diyaariyo warbixin daraaseed lagu lifaaqayo wax-ka-bedelka ay soo jeediyeen iyo shuruucda taas oo bixineysa cadeymo iyo sababaha wax-ka-beddelka Dastuurka iyo shuruucda.
Inuu sameeyo daraasadda sharci iyo ta xaqiiqo ee lama huraanka u ah dib u eegista Dastuurka.
Inuu Guddiga La socodka u soo gudbiyo wax-ka-beddelka Dastuurka ay soo jeediyaan.
In saddexdii biloodba mar warbixin siiyo Guddiga La socodka ee Baarlamaanka horumarka laga gaarey dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo haddii ay jiraan caqabado.
Inuu Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga kala shaqeeyo dastuurnimada soo jeedinta.

Guddiga La socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka

Guddiga Madaxabannaan ee Dib u eegista Dastuurka

Xiriirada Hay’adaha Kala duwan ee Dib-u-eegista Dastuurka