U bood dhigaalka

Waxgarad Dhaliilay Guddiga Doorashada Dadban Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Odoyaal dhaqameed iyo waxgarad ku kulmay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay iney kasoo horjeedaan qaabka guddiga doorashooyinka dadban ee maamulka Galmudug ku wajahayaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaannada aqalka hoose ee dowladda Federaalka Soomaaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhanka Galmudug.

Waxay sheegeen iney aad u saluugsan yihiin hab maamulka guddiga doorashooyinka, islamarkaana ay ku shaqeeyaan rabitaanka shaqsiyaad gaar ah, waa sida ay sheegeen.

Waxay Odoyaashan sheegeen in cabashadooda u gudbiyeen madaxda sare ee Galmudug, balse aan weli wax laga qaban, waxayna ka digeen in wadatashi la’aan la xareeyo ergooyinka.

“Magacaygu waa Maxamuud Carab Caalim, guddoomiyaha guddiga haddii aan wax laga qaban sida uu wax u wado waxaa ka imaanaya dhibaato, musharraxiinta sameystay nabadoona macmalka iyo kuwa ay ka saxiixayaan warqadaha iyo document-iga beesha aan ogolaanin ay bannaanka ka taagan tahay, waxaan leenahay dhibaato ayeey keenayaan, arrinta aan ka cabaneyno waxay tahay ergo xalaal ah ma jirto, kuraas la qeybiyey oo lagu heshiiyeyna ma jirto, markii aan arrintaasi ogaannay oo aan kusoo baxnay waxaa naloola dhaqmay si bahdil ah, waxaan ogeysiineynaa dadka ay quseydo in waxyaabaha qaar aaney soconeyn, Galmudug haka fiirsado barnaamijka agtiisa yaallo” ayuu yiri Nabadoon Maxamuud Carab

Qaar kale oo kamid ah waxgaradkii kulankaasi ka hadlay ayaa ku celceliyey baaqa ay u jeedinayaan madaxweynaha Galmudug oo ay ugu sheegayaan in laga kor tillaabsaday, islamarkaana dad aaney iyagu wadan ay geysteen waxgarad aan iyagu ahayn.

Guddiga doorashada dadban heer dowlad goboleed ee Galmudug weli kama aanu hadal eedeyntaan loo jeediyey.

Goobjoog News