U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobolka Mudug Oo Ku Baaqay Joojinta Dagaalka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobolka Mudug ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Gaalkacyo iney joojiyaan dagaalladan oo ay u turaan shacabka ku nool magaaladaasi.

Nabadoon Axmed Aadan Samatar oo kamid ah waxgaradkan ayaa ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug in nabadda Gaalkacyo dib loo soo celiyo lana joojiyo dagaallada.

Waxa uu tilmaamay nabadoonka in waxa dagaallamaya ay yihiin Soomaali, islamarkaana wax walbo ay ku haboon yihiin in lagu dhameeyo miiska wada hadalka.

“Waxaa la yahay dad walaalo ah, waxa dhimanaya waa wiil Soomaaliyeed, walaalayaal waxaan idiin leenahay joojiya dagaallada Gaalkacyo, Puntland iyo Galmudug waa iney eegaan maatida Gaalkacyo, nabadda wax uga muhiimsan Labada dhinac ma jirto” ayuu yiri nabadoonka.

Gaalkacyo waxaa ka socda dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug, waxaana dagaalladan ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoog News