U bood dhigaalka

Weerar Mindiyo Loo Adeegsaday Oo Ka Dhacay Waddanka China

Sheeko:Dalka

Waddanka China  waxaa lagu dilay shan qof iyadoo lagu dhaawacay Shan kale weerar loo adeegsaday Mindiyo oo ka dhacay gobolka Chengyang ee galbeedka wadankaasi.

Weerarkaan ayaa waxaa fuliyay Saddex qof oo ku hubeysan mindiyo walina ciidamada Booliska uma suuragalin inay gacanta ku soo dhigaan

Dowladda China ayaa ka hadashay arrintaani waxayna sheegtay in weerarkaan uu ka dhacay gobolka  Shengyange ,  sheegtana  in hadda goobta ay wax ka dhaceen ay caadi tahay ayna dagantay iyadoo ay socdaan hawlgallo lagu baadi goobaya dadkii weerarka geestay.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay sanadihii la soo dhaafay  gobolka Shengyang  oo hodan ku ah maadooyinka dabiiciga ah waxa uuna xaduud laleeyay gobolkaan qaaradda Asiyada dhexe oo ay ku jiraan waddamo ay ka socdaan dagaallo.