U bood dhigaalka

Wiil Madaxa Looga Jiro Oo Dad Ku Dilay London

Sheeko:Dalka

Haweeney ayaa lagu dilay halka 5 kale lagu dhaawacay kadib weerar uu geystay wiil madaxa looga jiro, weerarka oo ka dhacay meel u dhaw matxafka London ayaa la sheegayaa in uu sababay cabsi badan.

Booliiska Ingiriiska ayaa sheegay in ay goobta ku arkeen 6 qof oo dhaawac ah, taasi oo markii dambe ay dhimatay haweeneyda dhaawaca dartiis.

Inkatsa oo markii hore la sheegay in weerarka uu ahaa mid argigixiso ah, Laakiin markii dambe waxaa la sheegay in uu ahaa mid la xiriira xagga maskaxda.

Wiilka weerarka geystay oo 19 jir ahaa ayaa la sheegayaa in hadda su’aalo lagu weydiinayo saldhigga Booliiska.

Goobjoog News