U bood dhigaalka

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo War Qoraal ah Kasoo Saaray Codkii uu Maanta Qaaday Baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

UNSOM SomaliaXafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee
Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) wuxuu garwaaqsaday codkii maanta uu
baarlamaanku kalsoonida kala noqday Ra’iisal Wasaaraha Dowladda
Federaalka Soomaaliya, wuxuu amaanay shaqada uu ka qabtay nabadaynta
Soomaaliya, wuxuuna ku baaqayaa in si degdeg ah Xukuumad cusub loo soo
dhiso.

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu yiri, “Soomaaliya waxay hadda u
baahantahay midnimo siyaasadeed ee dhexmarta hay’adaheeda iyo
madaxdeeda iyo marxalad dheer oo xasilloon. Dowladda Federaalka iyo
Baarlamaankaba waxaa sugeysa shaqo muhim ah oo degdeg ah si ay gacan uga
geystaan inay Soomaaliya gaarto horumar dhanka siyaasadda, amniga iyo
dhaqaalaha inta lagu jiro kow iyo labaatanka bilood ee ka hartay
xilkooda. Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya waxay ku
hanweynyihiin in dhowaan la sameeyo xukuumad loo wada dhanyahay laga
wadaqaybgalo. Waxaan rajeynayaa, marka Xukuumadda la dhiso, in madaxda
Soomaaliya ay isla gaari doonaan heshiis ku aaddan sidii looga hortagi
lahaa qalalaanso sidaas oo kale ah iyo xasillooni darro dhacda
mustaqbalka. Waxaan ku faraxsanahay in Baarlamaanka Federaalka ay hadda
suuroobi doonto inuu maalmaha soo socda diiradda saari doono dejinta
shuruucda muhimka ah si uu u suurtoobo isbedelka siyaasadeed ee
Soomaaliya, gaar ahaan sharciga dhisaya Guddiga Qaranka Madaxabanaan ee
Doorashada iyo Guddiga Xudduudaha iyo Federaalaynta.”

“Qaramada Midoobay waxaa weligeed ka go’an inay la shaqeyso Dowladda
Federaalka iyo dadka iyo madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro
ujeeddooyinka lagu qeexay Dastuurka Ku Meelgaarka, Heshiiska Hiigsiga
Cusub ee Soomaaliya iyo Aragtida 2016. In la dhammeystiro dhismaha
dowlad-goboleedyada federaalka ah ayaa ah caqabad weyn oo loo bahanyahay
in laga gudbo toddobaadyada soo socda. Waxaa muhim ah in haweenka,
dhallinyarada iyo kooxaha laga tira badanyahay la siiyo fursad ay kaalin
buuxda kaga cayaaraan hanaankan iyo geeddi-socodyada siyaasadeed ee
kale,” ayuu raaciyay.

Goobjoog News