U bood dhigaalka

Xarunta Xuquuqal Insaanka oo Cambaareysay Khasaaraha Ka Dhashay Bannaanbaxyo Ka Dhacay Somaliland

Sheeko:Dalka

Xarunta xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxaa ay ku cambaareysay falalkii ka dhacay magaalooyinka Somaliland maalinimadii Khamiista, xilli uu socday bannaanbax ay dhigayeen taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ah, kaas oo looga soo horjeeday xukuumadda talada hayso uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi.

Warsaxaafadeed  kasoo baxay xarunta ayaa waxaa lagu xusay in ay aad u cambaareynayaan tallaabadii xukuumaddu ku amartay ciidanku in ay hor istaagaan bannaanbaxa oo ay dadku ku muujinayeen doorashada, waxaana dhacday in shacabka iyo ciidanku isku dhacaan, taas oo dhalisay geerida sedex ruux oo shacab ah iyo dhaawaca 27 kale oo shacabka ah.

Xaruntu waxaa ay sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in isku soo baxa uu yahay dastuuri sida ku cad qodobka (32)-aad ee dastuurka Somaliland” Muwaadin kastaa wuxuu xor u yahay, inuu abaabulo, kana qeyb qaato, kulan ama bannaanbax nabadeed oo xeerka waafaqsan”sida lagu yiri qeyb kamid ah warsaxaafadeedka kasoo baxay xarunta xuquuql insaanka.

Waxaa gabagabadii warsaxaafadeedka xukuumadda talada heysa loogu baaqay in ay la xisaabtamaan ciddii ka dambaysay dilkii iyo dhaawicii loo geystay dadkii isku soo baxay, waxaana kale oo loogu baaqay in sida ugu dhaqsiyo badan loo sii daayo dadka loo xiray siyaasadda si loo ilaaliyo dastuurka lagu heshiiyay ayaa lagu xusay warsaxaaadeedka.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan dil iyo dhaawacyo loo geystay madaharaadayaal ku bannaanbaxayay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, kadib markii ay isku dhaceen ciidanka Booliiska iyo mudaharaadayaasha, taas oo sababtay geerida sedex ruux  iyo dhaawaca 27 kale.

No description available.

No description available.Goobjoog News