U bood dhigaalka

Xildhibaan rajo ka muujiyay shirka lagu dhisayo maamulka koofur galbeed

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mira dhalka shirka lagu dhisayo maamul ka kooban saddex gobol ee ay ka qayb galayaan madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Udgoowe Deerow Isaaq ayaa sheegay in isagu markii hore uu qabay dhismaha maamul ka kooban lix gobol hase ahaatee uu ka tanaasulay.

Xildhibaankan waxa uu tilmaamay in shirkan uu noqon doono mid wax tar u leh dadka wada dega gobolada maamulkan loo samaynayo.

Waxa uu ugu baaqay siyasiyiinta taageersan dhismaha lixda gobol in ay ka tanaasulaan go’aankooda isla markaana ay ka shqeeyaan is af garad iyo maamul loo dhanyahay.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan Udgoowe Deerow Isaaq: