U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta La Filayo In Codka Kalsoonida Ah u Qaadaan Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Sheeko:Dalka

Cumar CabdirishiidXildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in codka Kalsoonida ay u qaadaan Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashii oo dhawaan xilka Ra’iisul wasaare-nimo loo magacaabay.

Gudiga joogtada ee Baarlamaanka ayaa maalintii shalay ahayd kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxa ay ku go’aamiyeen in maanta oo Arbaco ah, Ra’iisul wasaaraha magacaaban la horkeeno si codka loogu qaado.

Xildhibaanada ayaa ku shiri doona xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana codka sida caadiga ahba ra’iisul wasaaraha magacaaban loogu qaadi doonaa qaab gacan taag ah.

Xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo u waramay Goobjoog Fm, waxa ay sheegeen in ay codkooda siin doonaan Ra’iisul wasaaraha si uu u meel maro, loona gudbo shaqooyinka kale ee dowladda horyaala.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News