U bood dhigaalka

Xildhibaano Hore Iyo Odayaal Dhaqameed Magaalada Baladweyne u Tagay Sidii Loo Xalin Lahaa Dagaalka Deefoow (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa maanta gaaray Odayaal iyo xildhibaano horay uga mid ahaa Baarlamaanadii KMG, kuwaa oo ka amba baxay magaalada Muqdisho, si loo xaliyo dagaalka ka socda deegaanka Deefoow.

Xubnahaan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa ugu horeen sheegay in ay doonayaan sidii loo xalin lahaa dagaaladaan kusoo laab laabtay gobalka Hiiraan, waxaana dhanka kale ay ku baaqeen in dagaaladaasi si deg deg ah loo joojiyo.

Waxa ay si wadajir ah u sheegay in dagaalada hadda ka socda deegaanka deefoow xalinteeda looga fadhiyo waxgaradka, mamulka gobalkana laga doonayo kaalin in ay ka qaataan daminta colaadaan.

Dagaal u dhaxeeya Laba beel ayaa ka socda deegaanka Deefoow oo qiyaastii 35 KM magaalada Baladweyne dhanka waqooyi kaga beegan, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News