U bood dhigaalka

Xilliga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Oo La Shaaciyay

Sheeko:Dalka

Ergada ku sugan shirka maamul u sameynta ee magaalada Jowhar ayaa maanta ansixiyay calanka uu yeelanayo maamulka iyo caasimadda oo Talaadadii ay cod ay u qaadeen.

Si rasmi ah ayaa maanta loo meelmariyay waxaana hoolka ka socda khudbooyin kala duwan oo ay jeedinayaan ergooyinka, wakiillada dowladda iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa la meelmariyay xilliga ay dhacayso doorashada madaxtinimada iyo dhaarinta baarlamaanka uu yeelanayo maamulkaasi.

Diyaargarowga doorashada madaxtinimada ayaana ka socda magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maamulkaan oo magaciisa la isku raacay inuu noqdo Hirshabeelle ayaa waxaa sidoo kale la meel mariyay calanka oo ergaduna horey ugu codeysay.

Doorashada madaxtinimada maamulka Hirshabeelle ayaa dhici doonta bishaan 15-keeda kadib markii maalinta sabtida ah ee soo socota la dhaariyo xildhibaannada maamulka.

Shirka maamul u sameynta labada gobol ayaa weli waxaa ka maqan dad miisaan ku leh gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe sida Ugaasyo taasoo dadka qaar ay leeyihiin la’aantood haddii ay suurtagasho in maamulka la hirgaliyo in uusan sii socon Karin.

Haddii ay dhacdo in bishaan gudaheeda lagu soo gebagebeeyo maamul u sameynta labadaasi gobol waxay ku soo aadeysa iyadoo weli ay jirto cabasho ay qabaan beelaha qaar oo soo shaac baxday markii la bedalay caasimadda oo la beddalay.

Goobjoog News