U bood dhigaalka

Xoghayahii Ururuka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Oo Lagu Diley Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa goor dhow waxay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho ku dileen Canab C/laahi Xaashi oo ahayd xoghayihii ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintey Axmed Jaamac Xirsi oo ah wiilka guddoomiyaha ururukaasi.

Gaari ay la socdeen xubnahan ayaa lagu horjaray gaari kale oo ay saarnaayeen dableydan, kadibna waxaa lagu furay rasaas.

Xubno ka tirsan ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey geeridan.

Goobta falkaan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada ammaanka, iyadoo lasoo sheegayo in halkaasi ay ka baxsadeen raggii wax diley.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News