U bood dhigaalka

Daadad Ku Rogmaday Degaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Xoolo aad u badan ayaa daadad ugu dhintay degaanno hoostago magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa ka curtay degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan roobka deyrta oo ay dadka si weyn ugu baahnaayeen.

Degaannadani oo hoostaga magaalada Baladweyne ayaa la soo sheegayaa in xoolo badan oo isugu jira ari iyo geel ay ku dhinteen daadadka ka dhashay roobkaasi mahiigaanka ahaa ee xalay da’ay.

Degaannadani waxaa kamid ah degaanka Xudwogle oo guddoomiyaha degaankaasi Cabdulqaadir Cumar uu u xaqiijiyay Goobjoog News in xoolo badan ay ku la’deen roobkani.

Daadadkani uu sababay roobka deyrta ah ayaa waxaa keenay kadib markii dooxooyin ku yaalla halkaasi ay soo fataheen  kadib markii biyo badan ay dhigeen dooxooyinka.

Wuxuu ku baaqay in gargaar beni’aadanimo lala soo gaaro dadka ku nool degaannada waqooyi ee gobolka Hiiraan inkastoo roobku dadka ay aad ugu diirsadeen.

Dadka iyo duunyada ayaa in muddo ah abaaro ay ku heysteen degaanno kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha dalkaan Soomaaliya.

Goobjoog News