U bood dhigaalka

Xubnaha Siyaasiyiinta Ah Oo Laga Saarayo Guddiga Doorashada Ee Dhawaan Madaxweynuhu Magacaabay

Sheeko:Dalka

Madasha wadatashiga qaran ayaa kulankii maanta ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxay isku raaceen in xubnaha siyaasiyiinta sida wasiirada laga saaro guddiga doorashada 2016 ee dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Magacaabay.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in madashu isku raacday in guddiga doorashada ee heer gobol iyo heer Federaal laga rebo siyaasiyiinta.

“Doorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqaadiga ah.Sidaa darteed waxa alagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. Sidaa daraadeed guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federal, waxaan isku raacney in siyaasiyiinta laga reebo, hawlahaasina loo daayo guddiyo farsamo si aan u kasbano kalsoonida shacabka, una abuurno xaalad horseedi karta doorashooyin xalaal iyo xor ah oo dalka ka dhaca. Waxaa dhammaanteen naga go’an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu talagaley’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha xusay in xoogga la saari doono sidii haweenka ay u heli lahaayeen qoondada 30% ee lagu heshiiyey in laga siiyo goleyaasha qaranka, isagoo haweenka ku booriyay inay ka shaqeeyaan inaanay farahooda ka bixin 14% kuraasta ay haatan ku leeyihiin Baarlamaanka, 16% ee ka dhimanna ay u ololeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 16-kii bishan waxa uu xeer madaxweyne ku magacaabay guddigan doorashada kuwaasi oo ka kooban 22 xubnood oo 5 ka mid ah yihiin wasiiro.

Siyaasiyiin qaarkood hoggaan u ah xisbiyada dalka ka jira waxay kasoo horjeesteen guddigan oo ay sheegeen mid keeni kara in doorashadu aanay noqon mid u dhacda qaab xalaal ah waa sida ay hadalka u dhigeen,

Halkaan ka akhriso magacyada guddiga

Goobjoog News