U bood dhigaalka

Xubno Ka Socda Golaha Ammaanka QM Oo Muqdisho Kusoo Wajahan

Sheeko:Dalka

Maanta oo khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay yimaadaan xubno ka socda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaasi oo shirar kala duwan magaalada kula yeelan doona madaxda Soomaalida.

Shirarkan ayaa la doonayaa in looga hadlo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka ka dhici doona, ammaanka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada oo qaarkood magaalada Muqdisho yimid ayaa shirkaan ka qeybgali doona.

Ammaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan waddooyinka gala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa aad loo adkeeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News