U bood dhigaalka

Xukuumadda Siilaanyo oo Wadda Wacyi gelin Ballaaran oo Ku aaddan Heshiiskii Shirkadda DP World ee Dekedda Berbera

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Somaliland  waxay saddexdii  todobaad ee ugu dambeeyey wadday qorshe ay dadka deegaanka Saaxil ee Berbera kaga dhaadhicinayso inay taageeraan hirgelinta heshiiska ay xukuumaddu la gashay shirkadda  DPWorld  ee heshiiska lagula galay inay maalgeliso  dekedda Berbera.

Ilaa afar kulan ayaa wasiiro ka tirsan xukuumaddu ay la yeesheen dad kala duwan oo ka soo jeeda deegaanka Saaxil balse kulankastaaba waxa uu ku soo dhammaanayey  natiijo la’aan.

2dii  bishan  August waxaa magaalada Berbera ka dhacay kulan ay odayaasha iyo shaqaalaha dekedda Berbera ay ku casuumeen wasiirada  shaqada iyo arrimaha bulshada Cali  Maxamed Sandule ,  qorshaynta   Cali Axmed Shoonbe  iyo maaliyadda  Samsam Cabdi Aadan  waxayna wasiiradani kala hadleen xubnaha reer  Saaxil inay ka qaybqaataan  maal-gelinta dekedda Berbera.

Wasiirka qorshaynta oo  la hadlay warbaahinta kulankaasi ka dib waxa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen wacyigelinta xukuumaddu ugu jirto inay bulshada reer  Saaxil ugu sharaxdo faa’iido dhaqaale oo ay xukuumaddu sheegtay inay  dalka iyo bulshadaba ku soo kordhin karto DPworld  haddii uu meel maro heshiiskaasi  lala galay.

Odayaal  ka soo jeeda Saaxil  oo iyaguna ka hadlay arrinta dekedda Berbera ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii ay uga hortagi lahaayeen  inuu suurogelo heshiiskaasi oo ay ku tilmaameen dhinacooda  in dhabar jab dhaqaale ku yahay Somaliland.

Maareeyaha dekedda Berbera Eng Cali Maxamed  Xoor-xoor  oo warbaahinta uga waramay fahamkiisa ku aaddan maalgelinta dekedda uu maareeyaha ka yahay  ayaa sheegay inay shacabku xaq u leeyihiin xukuumadda inay xog  faahfaahsan ka helaan.

Dhinaca kale isla markii uu dhammaaday kulankaas  masuuliyiinta dawladda  soo abaabushay  waxa iyaguna mudaharaad ay kaga soo horjeedaan dhigay shaqaalaha dekedda Berbera oo iyagu ku doodaya inay meesha ka bixi doonaan haddii shirkad shiysheeye  la wareegto gacan ku haynta dekedda Berbera .

Axmed Maxamed oo u hadlay xamaaliinta ama dadka agabka ku kala wareejiya gudaha dekedda ayaa sheegay inay ka  soo horjeedaan qorshaha  xukuumadda” anagu ma yeelayno haddii aanu nahay shaqaalaha dekedda , sababta oo ah hadda ayeyba nagu yar tahay dhaqaalaha na soo gala , haddii  lala wareego waxa noo cad in aanu meesha anaga iyo dad badan oo nolol ka helaaba ay ka bixi doonaan” ayuu yiri  Axmed.

Suldaan Saleebaan Maxamuud oo ka tirsan madax dhaqameedka sida adag uga soo horjeestay arrinta Berbera  ayaa maalinkii sideedaad ku xiran Hargeysa waxaana xukuumaddu ku eedaysay inuu kicin dadweyne oo ka dhan ah qorshaha Bererba iyo nabadaba uu waday , waxaana  arrintaasi cambaareeyey salaadiin iyo madaxda dhaqanka ee reer Saaxil .

Geesta kale xukuumadda ayaa hor istaagtay  shir beesha degta gobolka Saaxil ay ku qaban lahayd deegaanka Baxarasaafka ee  Saaxil iyada oo la sheegay in shirkaasi waxa ugu badan ee  lagaga hadli lahaa  uu ahaa arrinta Dekadda.

Xukuumadda Soomaaliland iyo dad kale oo shacab ahna ku jiraan oo taageersan heshiiska afar bilood ka hor xukuumaddu la gashay shirkada DP world ee dalka Imaaraatka  waxay ku macneeyeen maalgelin inay sameyneyso balse reer Saaxil iyo xisbiyada mucaaridka ahi waxay ku fasireen wareejin.

Ugu dambayntii xukuumadda ayaa shir uu guddoominayey  madaxweyne Siilaanyo waxay golaha wasiiradu  cod gacan taag ah ku ansixiyeen heshiiskan maalinkii khamiista ee todobaadkii hore, waxaana la filayaa in heshiiska la horgeeyo baarlamaanka maamlaha foodda inagu soo haya.

Goobjoog News