U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya Oo Soo dhoweysay 11 Maxbuus Oo Libya Laga Soo Celiyay

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khadar), wasiirro xukuumadda Kheyre ka tirsan, Xildhibaanno labada gole ee baalamaanka, hey’adaha socdaalka iyo ehello ayaa soo dhoweeyay 11 Soomaali ah oo laga soo daayey xabsiyada Libya.

11-ka maxbuus waxaa ku jira 3 caruur ah, 2 gabdhood iyo wiil, waxaana la sheegayaa in ilaa 200 oo maxaabiis Soomaali ah ay ku xiran yihiin gudaha Libya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Libya u dirtay ergada u qaabbilsan xuquuqda tahriibayaasha. Maxaabiistan la soo daayey ka sokowna, waxaa jira qaar badan oo diidey in ay dalka dib ugu soo noqdaan, kuwaas oo wadahadalkooda iyo qancintoodu socoto.

Dadka howshan sii-deynta wax ka wadey oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in markii ay maxaabiistani Muqdisho yimaaddeen loo gudbiyay goobo ay ku wareysan karaan hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo kuwa qaramada midoobey ee arrimaha la xiriira Socdaalka.

Dalka Libya waxaa ku xayiran Soomaali badan oo qaabab kala duwan halkaasi loogu xiray; qaar waxa heysta magafayaal, qaar dowladda Libya halka ay jiraan in kale oo sugaya in ay ka gudbaan Mediterranean-ka oo u tallaabaan waddankaTalyaaniga, ka dibna Yurub inteeda kale.

Wararka maxaabiistan la xiriira iyo wareysiyo gaar ah, kala soco Goobjoog News

Goobjoog News