Yaa Ku Tartamaya Doorashada Maanta Ee Galmudug, Yaase Diidan?
Sheeko:Baarlamaanka

Doorasho hal dhinac ah ayaa maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb kadib markii ay qaadhaceen murashaxiinta mucaaradka.
Doorashadan waxaa ku tartami-doona: Axmed Cabdi kaariye( Qoorqoor), Dr. Abdirahman Sabriye, Axmed Shire Falagle iyo Cabdullaahi Axmed Samatar.
- Axmed Cabdi kaariye( Qoorqoor) oo ah ninka loo saadaalinayo, waxaa uu sheegay haddii la doorto inuu xoogga saari-doono: dib u heshiisiin, amniga, adeegga bulshada, Cadalaad, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale, arrimaha deegaanka
- Waxaa uu ahaa ganacsade, Maareeya ku xigeenkii Dekadda Muqdisho| 2009-2017), Sidoo kalena, swaxaa uu noqday wasiiru dowlihii wasaarradda Howlaha Guud iyo Guryeenta Xukuumadda hada ka arrimisa Dalka.
- Dr. Abdirahman .A Sabriye: Waxaa la sheegayaa inuu bartay dhaqaalaha, kana shaqeeyey dhaqaalaha dalalka soo koraya, gaar ahaa ganacsiga iyo warshaddeenta, waxaa uu ka shaqeyay Wasaaradda Ganacsiga
- Axmed Shire Falagle: waxaa muddo ku dhexjiray deegaannada Galmudug, haddana ah wasiirka Biyaha iyo Tamarta Dowlad Goboleedka Galmudug.
- Cabdullaahi Axmed Samatar: ganacsade hore, guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobalka Galgaduud.
Doorashada waxaa qaadhacay saddex koox:
(1). Murashaxiinta kala ah: Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdullaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheer,
(2). Madaxweynaha Galmudug: Axmed Geelle Xaaf ayaa ka mid ah dadka diidan
(3): Maamulka Ahlu sunna ee ka taliya Dhuusamareeb iyo qeybo kale.
Goobjoog news