Guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur galbeed ayaa shaaciyay liiska 13 kursi oo dhawaan doorashadooda la qabanayao.
Kuraasta la shaaciyay ayaa waxaa kamid ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#016, HOP#044 , HOP#150, HOP#152 iyo kuwa kale .
Doorashada kurastaan ayaa ka dhaceyso magaalada Baraawe, Koonfur galbeed ayaana ah maamulkii ugu horeeyay ee shaaciya liiska kuraas lagu dooranayo deegaan doorashada labaad.

Yaa ku Fadhiya kuraasta la shaaciyay?
HOP#016: Waxaa afarii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay xildhibaanad Aamina Sheekh Cismaan.
HOP#044: Waxaa afarii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay xildhibaanad Safiyo Xasan Nuur.
HOP#155: Waxaa afarii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay xildhibaanad Jawaahir Cadaawe Cabdi.
HOP#150: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Xasan Cismaan Xuseen (Qoryooley).
HOP#151: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Xuseen Cali Cabdalla.
HOP#152: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshir.
HOP#153: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan AHUN Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Cali.
HOP#160: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Nuur Siidow Baaba.
HOP#161: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Sayid Cali Cabdulqaadir Macalim.
HOP#250:Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Siciid Cabdullaahi.
HOP#080: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.
HOP#165: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow.
HOP#173: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cismaan Xaaji Cali.
Goobjoog News