U bood dhigaalka

Yariisow: Waxaan Jecelnahay Inaan Dardargelinno Howlaha Amniga

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in ay qorsheynayaan ka maamul ahaan iney la yimaadaan qorsheyaal lagu xoojinayo amniga guud ee Muqdisho.

Waxa uu sheegay in ay u fekeri doonaan qaab istiraatiijiyad ah, ayna eegi doonaan waxa qaldama  iyo waxa u baahan in la saxo.

Shacabka Muqdisho ayuu guddoomiye Yariisow ugu baaqay iney la shaqeeyaan hay’adaha amniga, sida magaalada u noqoto mid xasiloon.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan sii dardargelinno howlaha amniga oo magaaladan ka socda, u fekerno si Istiraatiijiyad ah, maxaa qaldamay, maxaa u baahan in la saxo, sidee shacabka amniga u ilaalsan karaan, amnigu waxaa iska leh shacabka, hay’adaha amniga iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan waan la soconnaa, haddii aan la garab gelin, lala shaqeyn, la garab istaagin wey inagu adkaaneysaa” ayuu yiri Yariisow.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan CismaanYariisow ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad uu xilka kula wareegayey oo habeenkii xalay ahayd ka dhacday magaalada Muqdisho.

Goobjoog News