U bood dhigaalka

Xildhibaanada “Sharciga Been Xalaaleynta Lacagaha Waxa uu Halis Ku Yahay Shacabka”

Sheeko:Baarlamaanka

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo aragtidooda ka dhiibtey sharciga been xalaaleynta lacagaha oo baarlamaanka la horkeeney ayaa sheegey in sharcigaasi uu halis ku yahay danta shacabka, maadaamaa uu dhibaateynayo xawaaladaha.

Wasiiru dowladda maaliyadda oo sharciga geeyey baarlamaanka, ayaa yiri “Waa in la helaa sharci looga hortago lacagaha sharci darada ah ee dalka imanaya ama ka baxaya, waad ogtihiin kooxo argagixiso ah ayaa dalka jooga, maalgalin ayay u baahanyihiin, xawaaladaha oo kale bishii $130 malyuun oo doolar ayay dalka soo galiyaan, waa in aan ogaanaa lacagtaasi meesha ay ku dambeyso”.

Laakiin xildhibaanada ayaa arrintaasi buuq ka keeney, wasiirka xusuusiyey in uu yahay mas’uul ay tahay in uu illaaliyo danta shacabka.

Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac ayaa yiri “Sharcigani ma ahan mid hor u tabin leh, meelo kale ayuu nooga yimid, sida deeqbixiyeyaasha, wasaaradda maaliyadda in aysan kan abuurin ayaan u maleynayaa, haddii la meelmariyana tabar lagu fuliyo in aanan la heynin, xawaaladaha ayuunbaa culeys la saarayaa”.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegey in musuqmaasuq baahsan uu dowladda ka dhex jiro, la iibsanayo dhulkii danta guud, islamarkaasina ay dowladda gashay illaa 12 qandaraas oo sharci daro ah, sidaasi darteedna ay tahay in wasaaradda maaliyadda ay saxdo waxyaabahaasi ka hor inta aysan ka hadlin arrimaha xawaaladaha.

Wasiirka ayaa dhankiisa sheegey in sharciga ay wada qoreen illaa 4 wasaaradood oo kala ah wasaaradda maaliyadda, tan amniga, tan arrimaha gudaha iyo tan caddaalada iyo waliba bangiga dhexe.

Goobjoog News