U bood dhigaalka

Abshir Bukhaari: Fedelism-ka Ma Aha In Ciddii Xanaaqdo Sameyso Waxa Ay Rabto..Dowladdana Ma Faragelin-doonto Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo ka mid ahaa Xildhibaannada labada aqal ee maanta ka soo laabtan Cadaado ayaa Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id isaga oo sheegay in natiijada socdaalkoodii Cadaado u gudbin-doonaan labada gole ee baarlamaanka federaalka ah.

Mudane Abshir Bukhaari waxaa uu dul-maray waxyaabihii u qabsoomay intii ay Cadaado joogeen sida dejinta xaaladda amni iyo in ay kala qaadeen maleeshiyo beeleedyadii magaalada Joogay, waxaa kale uu ka warbixiyay kulamo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhaqanka isaga oo intaasi raaciyay in ay ka soo baxeen is-faham iyo in khilaafaadka la xaliyo, go’aanno masiiri ahna laga qaato danaha Galmudug.

Mar uu ka hadlayey Xiisadda u dhaxesa madaxda waxaa uu soo qaatay in ay mar hore isu keeneen mas’uuliyiinta Galmudug , laakin aaney dhameystirmin, waxaa kale uu ka hadlay in labada dhinac ku adkeeyeen in khilaafka lagu xaliyo qaab dastuuri ah oo hey’adaha dastuuriga ah aan lagu ridin maqaayadaha iyo xaafadaha.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad waxaa soo hadal qaaday in Federalism-ka aanu aheyn in ciddii xanaaqdaba ay sameyso wixii ay rabto, isla markaana wax walbo lagu xaliyo qaab dastuuri ah.

Ugu dambeyntii, waxaa uu Abshir Maxamed Bukhaari sheegay in iyaga oo dowladda wakiil ka ah ay odoyaasha iyo bulshada u balan-qaadeen in dowladda aaney faragelin-doonin arrimaha Galmudug.

Goobjoog News