U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya:  Ma Noqday Halyay Shacabka Uhirgeliyay Hammigooda?

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka kooban Labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ayaa 8 bishan waxay doorteen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, doorasho taariikhi ah oo lama filaan ku noqotay shacabka Soomaaliyeed kana tarjuntay dareenkooda dhabta ah iyo cidda ay u guuxayeen.

Baarlamaanka hadda jiraa waxa uu meesha ka saaray Labo qodob oo ragaadiyay bulshada Soomaaliyeed una diiday nabad iyo nolol, Labada qodob ayaa kala ah, in Qabyaalad la isku bahayso iyo rabitaanka shacabka oo aan la tixgelin, labaa qodob ayaa looga bartay siyaasiyiinta Soomaalida oo aan waxba iskaga tirin dareen shacabka dantiisana ka raacan jiray.

Hadaba si aan waxbadan uga ogaanno arrinkan ayaan waxaan su’aalo weydiinay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka dalka oo arrinkaa siyaabo kala duwan uga hadlay;

Dareenka Siyaasiga iyo Aqoonyahanka

Xil.hore Cabdisamad Macallin Maxamuud, ayaa ka hadlay doorashadan waxay ka tarjuntay iyo rabitaanka shacabka sida uu baarlamaanku u tixgeliyay:

“Doorashadu waxay ka tarjuntay wixii uu qabay shacabka Soomaaliyeed, waxaan dhihi karaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa doortay shacabka Soomaaliyeed, marwalba waxaad arkaysay markii dariiqyada la marayo shacabka Soomaaliyeed oo farriin u gudbinaya xildhibaannada oo dhahaya waa inaad sameysaan isbedelka noocaas ah, xildhibaannada intooda badanina mas’uuliyadoodii waa ka soo baxeen, doorashadu waxay ku dhamaatay si qofwalbaaba ku qanacsan yahay ama musharraxiintii ha ahaato ama xildhibaannadii ha ahaato ama shacabka Soomaaliyeed ha ahaatee”.

Xil.hore Yaasiin Cabdi Seed ayaa isna ka hadlay in dalka ay ka dhacday doorasho ka madaxbanaan faragelin siyaasadeed:

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen in doorashada iyo isbedelku ay u dheceen runtii sidii ay u doonayeen, waa midda Koowaad iney dalka gudihiisa ka dhacaan, waa midda Labaade in dalabkoodii ahaa isbedel ku saleysan nidaam dimuqraadi ah uu meesha ka dhaco oo ka madaxbanaan faragelin wadamada dariska ah inuu dhaco runtii”.

Maxamed cabdulaahi Aadan oo ah Falanqeeye dhanka siyaasadda ah waxa uu baarlamaanka ku ammaaney iney qaateen tallaabo ay shacabka ugu hiilliyeen, “Baarlamanka Soomaaliya waxa uu qaatay tillaabo lama filaan ah oo uu ugu hiilliyey shacabka Soomaaliyeed, waxay ka turjumeen rabitaanka shacabka, inkastoo markoodii hore hab qabiil lagu soo xulay, ayaa haddana meesha ay ka saareen, waxay doorteen qofkii shacabku jeclaa oo ay rabeen, beesha caalamkuna ay muujisay sida ay ugu faraxsan tahay wixii ka dhacay xerada Afisyooni”.

Ahmed Yuusuf Cumar oo ah bare Jamaacadeed ayaa isna yiri, “Baarlamku waxay qaateen aragtidii shacabka, haddii ay lacag wax ku dooran lahaa baarlamanku in aan la doorteen madaxweyne farmaajo oo uu codku si kale isku bedeli lahaa,  inkastoo la sheegay in musharaxiinta qaar ay lacag baxsheen laaluush ah haddana taasi in aysan go’aan ka gaarin qofka loo doortay madaxweynaha, baarlamanka Soomaaliya waa la isku halleyn karo, inkastoo uu san gaarin meeshii la rabay oo ah in aanba looga shakin in ay musuq qaataan,  Farmaajo ayaa noqday qofkii Labaad ee shacabku ay dibad bax ku soo dhaweeyaan mudadii dalku uu burbursanaa, iyadoo horey Cabdiqaasim Salad Xasan  si lamid ah loo soo dhaweeyey Augusto 2000 markii lagu doortay magaladda Carta ee Dalka Jabuuti”.

Nuur Cali Faarax oo  ah Bare jaamacadeed waxa uu leeyhay, “Shacabku waxa uu muujiyey rabitaan baarlamaanku uu ku khasbanaaday in uu raaco, waxa uu si gooni ah isha ula raacay in ay jireen kala jiidasho xubnaha baarlamaanka ah balse ay markii dambe isugu biya shubteen in hal dhinac ay xoojiyaan iyaga oo eed ka carar ah,  inkastoo ay adagtahay in laga gudbo nidaamka qabaa’iliga ah ee dowladnimada Soomaaliya ay ku saleysan tahay, haddana baarlamku  waxa  uu  muujiyey  in lagu kalsoonaan karo illaa xad”.

Dareenka Shacabka Soomaaliyeed

Mowliid Axmed Xasan oo ka tirsan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxa ka weyddiinay sida uu u arko kaalinta baarlamaanka ee doorashada madaxweyne Farmaajo, waxa uu ku jawaabay:

“Waxaan aad ugu riyaaqnay doorashada la doortay madaxweyne Farmaajo, lama filaan ayay nagu ahayd, baarlamaanku waxay ka tarjumeen dareenka shacabka , runtii tallaabooyinkii hore ay ku xusheen guddoonka Labada Aqal aad ayaa loola dhacsanaa, oo rag wadaniyad lagu yaqaanno ayay soo xusheen, baarlamaankan aad ayaan ugu rajo weynahay inuu dalka waxbadan u qabto”, ayuu yiri Mowliid oo ay xamaasadi ay ka muuqatay.

Waxaan isna wax ka weydiinnay arrinta Cabduqaadi Sheekh Maxamed Ibraahiim oo ka hadlay kaalinta baarlamaanka ee doorashadii Farmaajo

“Baarlamaanku waxa uu muhiimad siiyay horusocodka iyo badbaada dalka, marka loo barbar dhigo xildhibaannadii ka horreeyay iyaga, muhiimadoodu maaha qabiil iyo cidda uu u dhashay qofka, balse waxay muhiimad siiyeen shakhsiyadda qofka taas oo ififaalo wanaagsan u noqon karta shacabka, waxaan ka sugeynaa baarlamaanka iney abuuraan hanaan dowladeed oo ku dhisan isla xisaabtan iyo shuruucda dalka oo la dhowro”.

Yaxye Maxamed Guuleed, ayaa doorashadii baarlamaanka ee madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed.

“Baarlamanku doorashadii ay doorteen madaxweyne farmaajo dabcan waxa ay aheyd mid ku doonayeen badankooda in isbedel sameeyaan, dabcan isbedelka laftisa inksto danna laga yeelan karo hadana go’aankas wuxu ahaa mid ila saxan ani ahaan oo an is dhihi karo waa mid guul u ah Soomaali, waxaan is dhihi karaa waa kuwii ugu haboona, walow ay ku jiran dad aan inaba aan ku haboneyn, marka laga fiiriyo dhanka aqoonta ama background- kooda hore”

Doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib ayaan makarafoonka Goobjoog la dhex marnay  magaalooyin iyo gobollada kala duwan ee dalka, oo ay ka mid yihiin Kismaayo, Jowhar, Afgooye,  Baladweyn, Garoowe, Baydhabo, Cadaado, Sool, dhamaantood dadku waxay muujinayeen dareen isku mid ah oo farxadeed iyo sida ay ula dhacsan yihiin doorashada madaxweynaha cusub oo dadku ay ku midoobeen.

Si kastaba, Baarlamaanka ayaa muujiyay in xulashada madaxda dalka ay ku xusheen qaab ka duwan qaababkii looga bartay baarlamaannadii hore, markan waxay tixgeliyeen waxqabadka shakhsiga iyo kartidiisa lagu yaqaannay iyagoo ka fogaaday shakhsi cusub oo ay ku tijaabiyaan siyaasadda ama xanta ah dadkii farta lagu fiiqayay ee la lahaa waxaa riixaya oo wata dalal shisheeye, taasi waxay keenaysaa in waji cusub uu  u furmo siyaasadda dalka oo qofkii rajo kaga jirto uu ku khasbanaan doono inuu muujiyo waxqabad hufnaan iyo wadaninimo.

W/D: Axmedweli Xuseen Maxamud iyo Khadar Xuseen Maxamed