U bood dhigaalka

Cadaado: Munaasabad Lagu Soo Dhoweynayo Aqalka Sare Ee Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Munaasabad lagu soo dhoweynayay xubnaha aqalka sare ee Galmudug ee lagu doortay magaalada Cadaado ayaa waxaana ka qeyb galay madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Hadalladii munaasabaddani laga jeediyay ayaa u badnaa bogaadin iyo hambalyo loo soo jeedinayo xubnaha aqalka sare ee Galmudug ee guuleystay.

Dadkii ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday sida ay ula dhacsan yihiin siddeeda xubin eek u soo baxday doorashadii lagu qabtay magaalada Cadaado oo labo kamid ah ay yihiin gabdho.

Abshir Maxamed Axmed iyo Cabdiwaaxid Cilmi Cumar oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee Galmudug oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay inay ku soo baxaan doorashadii dhacday islamarkaana ay si wanaagsan u gudan doonaan waajibaadka saran.

“Waxa weeye sharaf u soo hoyotay Galmudug Anigoo noqday xubintii ugu horreysay ee aqalka sare ee la doortay waxaan idin sheegayaa in maalinta berrito ah uu si toos ah u shaqo billaabayo aqalka sare, sharaftaas iyo bogaadintaas waxaa leh hoggaanka Galmudug” ayuu yiri Abshir Axmed.

Dhanka kale, Cabdiwaaxid Gooxjeex ayaa isna sheegay in aqalka sare ee Galmudug ay saameyn fiican ku yeelan doonaan dhismaha Soomaaliyada cusub.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo madasha hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay xubnaha aqalka sare ee Galmudug islamarkaana dardaaran u jeediyay.

Madaxweyne Guuleed ayaa kula dardaarmay gudashada labo masuuliyadood oo uu ku kala sheegay in ay ka kala saran tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Galmudug.

Goobjoog News