U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Qabtay Mooshin Amniga Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Muudey oo maanta shir guddoominayey kulanka golaha shacabka ayaa sheegay in uu qabtay mooshin la xiriira ammaanka dalka kaasi oo ay soo gudbiyeen qaar ka tirsan Xildhibaannada golaha shacabka.

Mr. Cabdiweli Sheekh Muudey ayaa intaasi raaciyay in guddiga amniga golaha shacabka  iyo guddoonka ay soo diyaarin-doonaan ajendaha iyo qaab doodda loo guda-geli-doono kadibna ay kula soo laaban-doonaan aqalka.

Dhinaca kale, Wasiirka Batroolka & Macdanta Xil.  Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa golaha shacabka waxaa uu u akhriyay hindise sharciyeedka Petroolka.

Wasiirka waxaa uu ka sheekeeyay Taariikhda sharciyada Petroolka tan iyo 1983-dii iyo in horay loo ansixiyay sharcigan xiligii dowladda Cabdulahi Yusuf balse midkan uu yahay dib-u-eegis, dib u eegista lagu sameynayo sharcigii 2008-dii iyada oo lala jaan-qaadayo nidaamka federaalka ah kaas oo ay iska kaashadeen khubaro Soomaaliyeed, garyaqaanka guud, qareenno iyo Bangiga adduunka.

Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed waxaa uu soo qaatay in dastuurka KMG ah uu tilmaamayo in kheyraadka dabiiciga ah oo uu Petroolka ku jiro in ay ka wada hadlaan xukuumadda federaalka ah iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah.

Goobjoog News