U bood dhigaalka

MAQAL: Xildhibaanno Ku Kala Aragti Duwan Dhismaha Guddiyada Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwanaaday dhismaha guddiyada baarlamaanka iyo sidoo kale qaabkii ay u dhacday doorashada.

Xildhibaannada kala ah Maxamed Cumar Dalxa, Shariif Maxamed Cabdalla, iyo Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka qeybgalay barnaamijka Jimcaale ayaa ka hadlay sida ay u arkaan qaabkii loo doortay guddoomiyeyaasha guddiyada baarlamaanka.

Waxay xildhibaannada qaar ay sheegayaan in doorashada guddiyada ay u dhacday qaab qiyaano ah, islamarkaana la hareer maray sharciga.

Waxay tilmaameen in sidoo kale ay jirto in howlihii doorashada guddiyada ay leexsadeen shaqsiyaad gaar ah, xildhibaannada qaarkoodna loo diiday iney is soo sharaxaan.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News