U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta oo Isniin ah waxay yeelan doonaan kulankoodii caadiga ahaa, waxaana looga hadli doonaa arrimo dhowr ah.

Ajendaha kulanka xildhibaannada golaha shacabka ayaa ah akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Biyaha iyo Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka waxbarashada.

Ammanka nawaaxiga xarunta golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyay, sida caadada ah.

Xukuumadda Federaalka ayaa Todobaadkii tagey waxay golaha shacabka u gudbisay illaa 15 Hindise sharciyeed.

Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News