U bood dhigaalka

Senator Yuusuf Geelle: Soomaaliya Meesha Maanta loo Celinayo Waxaan is Leenahay in aysan ku Habooneen”

Sheeko:Baarlamaanka

Yuusuf Geelle oo ah Senator ka tirsan aqalka sare oo ka hadlayey xariga Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa sheegay in Soomaaliya loo celiyay meel ay ka soo tagtay isaga oo yiri

“Sidaad la socotaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waa nin siyaasi ah waa nin ay ku filneyd in warqad loo geeyo oo la yiraahdo meeshaas imow arrinkaasi meeshii laga keenay dalka Soomaaliya iyo isku tanaasulkii tirada badnaa iyo meesha maanta loo celinayo waxaan is leenahay inaysan ku habooney”

Senator Yuusuf Geelle oo sii hadlaya waxaa uu yiri” Arrinkaasi markaan maqalnay sidii ayaan weli u taagannahnay, waxaanu tagnay madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha anagoo ka codsannay in meydkii nalu ku wareejiyo ciidamadana guriga laga dulqaado, waxaan codsannay in muwaadinkaas nalu ku wareejiyo taasina ma dhicin.

Ciidamada ammaanka ayaa xabsiga u taxaabay aroornimadii Isniinta siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur kadib markii amar laga soo saaray.

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay xilliga uu howl-galka socday, 3 kale oo Cabdiraxmaan ku jiro ayaa sidoo kale ku dhaawacantay.