U bood dhigaalka

Xil. C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo Ka Hadlay Nooca Ra’isul waraare ee Dalku Ubaahan yahay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan baarlamaanka 10aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Goobjoog la hadlay ayaa ka warramay nooca ra’isul wasaare ee dalkani u baahan ayahay.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ka hadlay sifooyinka ugu habboon oo ay tahay in lagu xusho qofka noqonaya ra’isul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna yiri:

Waa inuu noqdaa nin wadaniyad xoogleh ay ku dheehan tahay, marka Labaadna khibtad shaqo leh, marka Saddexaadna tacliin ku filan leh, marka Afaraadna lagu yaqaanno hufnaan iyo karti, intaa ninkii isla wata ayaa waxaan u meleynayaa inuu dalkan ra’isul wasaare u noqonkara”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadbadan oo tilmaamahaa wanaagsan leh laga heli karo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba:

“Dadbadan oo tilmaamaha aan sheegay leh way noolyihiin dalka gudihiisa ayaa laga heli karaa ama dibaddiisa, laakiin inaan ka hordhaco xulashada madaxweynaha ma rabo, maxaayeelay, isaga ayaa u leh awoodaha dastuuriga ah ee ah inuu wax soo xulo, haddii ruux aan maskaxda ku hayo iyo Labona markii wadatashigu bilowdo ayaan si gaar aha ugu sheegi doonaa ra’isul wasaaraha”.

Xil.Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil waxa uu sheegay in madaxweynaha fursad loo siiyo si uu damiirkiisa ula tashado ugana fakaro cidda uu ra’isul wasaare u xulanayo iyo inaan culeys lagu saarin cid gaar ah:

“Waxaa aad iyo aad u habboon weeye inaan madaxweynaha aan culeys badan lagu saarin ruux uu u xulanayo, si uu ugala tashado marka hore damiirkiisa iyo inta maan-roonka ah ee waddanka ka dhaqdhaqaada ee uu is leeyahay talada ugu habboon baad ka heli kartaa iyo tilmaamaha wanaagsan ee uu kusoo xulan karo nin uu ku aamino howlaha baaxadda leh ee looga baahan yahay ra’isul wasaaraha soo socda mustaqbalka”.

Si kastaba, dhawaan ayaa la filayaa in dalkani uu yeesho ra’isul wasaare uu soo xusho madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo laga wardhowrayo cidda uu xulanyo iyo astaamaha lagu xulanayo intaba.

Goobjoog News