Ciidamada dowladda oo saaka howl-galo ka wada degmada Huriwaa
Ciidamada amaanka dowladda ayaa saaka degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ka wado howl galo kadib markii shalay lagu dilay Taliye ku xigeenkii Nabadsugida degmadaasi Axmed C/raxmaan.
Sida uu sheegay mid ka mid ah dadka degmada, ciidamada ayaa baaritaano ka wada agagaarka Is-goyaka SOS, Ex Kontorool Balcad iyo halka loo yaqaano Biyo dega, iyadoo aan weli la soo sheegin cid loo soo qabtay falka lagu dilay sarkaalka ka tirsanaa ciidamada dowladda.
“Saaka waxay howl galo ka soconayaan xaafadaha SOS, nawaaxiga Suuqa Xoolaha iyo Biya degeenka marka laga yimaado dhanka Hotel Ramadaan. SHalay ayaa qarax laga geystay meel ku dhow Biyo dega”ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.
Ka sokoow ol-olaha hub ka dhigista ee dowladdu ku dhawaaqday ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay howl galada lagu sugayay amaanka caasimadda, iyadoo dad fara badan oo la tuhmayo in ay qayb ku leeyihiin amaan darida gacanta lagu soo dhigay.