Siyaasadaha Isdiidan Ee Galgaduud Oo Saameeyay Shaqadii Isbitaalka Guriceel
Maamulka isbitaalka degmada Guriceel ayaa sheegay in siyaasadaha isdiidan ee ka jira gobalka Galgaduud inay saameyn ku yeesheen howlihii shaqo ee Isbitaalkaasi.
Cali Cumar Tarabi oo ah agaasimaha isbitaalka istarliin ee magaalada Guriceel waxa uu u sheegay Goobjoog News in shaqadii Isbitaalkaasi ay saameysay siyaasadaha is diidan ee gobolka ka jira maadaama Isbitaalkaasi gobolkaa oo idil iyo qaar ka mid ah gobollada ku dhow looga imaan jiray.
Waxa uu tilmaamay in isbitaalka degmada Guriceel uusan qaban shaqadii uu u qaban jiray bulshada taasna ay ugu wacan yihiin daruufo isbiirsaday oo xiligani ka jira halkaa.
Tarabi ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay ku wargaliyaan cabasho dhanka dawooyinka ah inay jirto taas oo lafteeda saameysay shaqadii Isbitaalka hase yeeshee wax jawaab ah aysan ka helin.
Waxa uu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay kala saaraan howlaha bulshada ee Bini’aadannimo iyo siyaasadda ay isku hayaan.
Goobjoog News