9-Ka Cunto Ee Lagu Dheeraado
Ma ogtahay habka cunto cunista inuu saameeyo dhirirka qofka, sidoo kalena uu saameyn weyn ku leeyahay miisaanka qofka, hadaba waxaa jirta cuntooyin haddii uu qofku cuno ka caawineyso inuu dheeraado waxaana kala yihiin cuntooyinkaas .
1. Basal baar : basashaan waxay qani ku tahay hormoonis badan dhab ahaantii cunisteeda oo la badsado waxay qofka ka caawineysaa inuu dheeraado halka ay ka buuxaan macaadin faro badan oo jirka waxyaabo badan ku kordhinaayo iyo hormoono jirka ko rinaayo.
2. Ukunta: waxay hodan ku tahay buritiino badan waxay kaalin mugweyn leh ay ka ciyaartaa kordhinta dhirirka , waxaana waajib ah in caruurta lasiiyo maalin walba si ay u heelan jir caafimaad qabo iyo dhirir wax ku ool ah.
3. Qudaarta: infaro badan oo ka mid ah qudaarta sida cambaha waxaa laga helaa fitamiin A badsashada qudaarta ama cunisteeda waxaa laga helaa inuu qofka dhirir uu ku darsamo gaar ahaan haloo gu dadaalo siinta qudaarta caruurta iyo da,yarta soo koreyso sidoo kale cunista qudaarta waxay xooijisaa unugyada jirka iyo lafaha.
4. Miraha : cunista miraha waa cunto ay ka buuxaan fatimiin faro badan waxuuna faaido badan uleeyahy kordhinta dhirirka gaar ahaan miraha qamadiga ayaad u siifan cunistiisa.
5.Burcadka :burcadka waxuu hodan ku yahay boritiinka D iyo kaalshiyom sidaa darteed waa cunto aad muhiim u ah waxay ugol xaareysaa inuu koro jirka inuuna qofka uu dheeraado.
6.Doorada :hilbaha doorada oo la cuno waxay il wanaagsan u leeyihiin borootiino faro badan kuwaas oo jirka ka caawinaayo xoojinta coritaanka iyo dhirirka .
7. Kaarootada: karootada waxaa ka buuxa oo ay hodan ku tahay Fitimiin A waxayna galangal ay ku leedahay howsha koritaanka jirka iyo dhirir kordhinta iyo araaga.
8. Caanaha; caanaha waa isha kaliya ee kaalsiyoomka jirka laga helo kaalsiyoomkaas oo jirka ka caawinaayo inuu jirka oo awood yeesho sidoo kale waxay ka qeyb qaataan dhirirka jirka halkoob oo caano ah oo subax walba aad cabto aalisey waxay jirka u kordhinayaan caafimaad.
9.Digirta : digirta waxay jirka ka caawisaa oo ay xoojisaa koritaanka murqaha iyo lafaha waxaan ka buuxa buritiino farobadn.
W/Q: Jaamac Cali Shidane ,Goobjoog News