U bood dhigaalka

Canada iyo Midowga Yurub oo Saxiixaya Heshiis Ganacsi

Sheeko:War

Canada iyo midowga Yurub ayaa ku saxiixaya kulan ka dhacaya magaalada Brussels maalinta axadda heshiiskii ganacsi ee muddada dheer soo jiitamayey.

Ra’iisulwasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid aad u wanaagsan islamarkaana uu qeyb ka noqon doono sidii loo dhaqan gelin lahaa.

Munaasabadda saxiixa ganacsi ee dhexmaraya Canada iyo midowga Yurub ayaa la qorsheynayey inay dhacdo qamiistii laakiin waa la joojiyey kadib markii gobolka ka tirsan dalka Belgium oo codka veto ku diiday heshiiska.

wada hadallo dheer kadib,  heshiis ayaa ugu dambeyn la gaaray kaasoo u ogolaanaya dhammaan 28 dalka ee qeybta ka ah midowga Yurub in ay si rasmi ah u meelmariyaan heshiiska.

Madaxweynaha golaha Yurub Donald Tusk ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in heshiiskani uu yahay hawlgal lagu guuleystay islamarkaana uu yahay mid mudan in goobjoog laga ahaado.

Waa maxay hesiiska Ceta?

Heshiiskan ayaa lagu magacaabaa Comprehensive Economic and Trade Agreement (Ceta). Waana heshiis la doonayo inay taageeraan dhammaan dowladaha xubinta ka ah midowga Yurub.

Wadaxaajoodyadan oo  qaatay todoba sano ayaa waxaa soo foodsaaray culeys kadib markii gobol ku yaalla dalka Belgium oo la yiraahdo Wallonia, waxaana gobolkaasi uu dalbanayaa in marka hore xal laga gaaro dhibaatooyin badan oo jira.

Gobolkan ayaa sheegay inay jiraan dhibaatooyin haysta beeraleyda Yurub kuwaasoo doonaya inay wajahaan tartan ku aaddan waxyaabaha ganacsi ahaanta looga soo dhoofiyo dalka Canada.

Khamiistii Ra’iisulwasaaraha dalka Belgium Charles Michel ayaa sheegay kadib wadahadllo dheer inay ku heshiiyeen in wax badan laga qabto heshiiska si loo xaliyo cabashooyinka ka imanaya Gobolka.

Ra’iisulwasaaraha dalka Slovakia Robert Fico oo hadda haya xilka madaxweynenimo ee midowga Yurub ayaa dhankiisa sheegay in meelmarinta heshiiska ganacsi ee Ceta uu yahay mid taariikhi ah in la xusana mudan isla markaana uu yahay guul laga gaaray siyaasadda ganacsi ee midowga yurub.

‘’Ceta ayaa u taagan heshiis horumarineed oo casri ah kaasoo gogol-xaar u ah fursado iyadoo la ilaalinayo danaha ganacsi ee muhiimka ah” ayuu yiri ra’iisulwasaaraha Slovakia  Robert Fico’’

Ceta ayaa midowga Yurub waxa ay ku sheegtay inuu yahay heshiis ganacsi oo u horseedaya Canada iyo dowlada Yurub mustaqbal wanaagsan kaasoo lagu horumarinayo ganacsiyada kala geddisan ee dalalka qeybta ka ah Ceta.

Jahwareer ayaa ka jira heshiiska Ceta kaasoo ka dhashay walaac ku aaddan mustaqbalka dalka Ingiriiska oo dhawaan ka baxay midowga Yurub iyo sida heshiiskan loogala hadli lahaa.

Madaxweynaha midowga Yurub Tuska ayaa ka digay in dib u dhac iyo khilaaf soo dhexgala heshiiska uu waxyeelo u geysanayo aaminaadda midowga Yurub kadib markii dowladda Ingiriiska ay cod u qaadday sidii ay uga bixi lahayd midowga Yurub iyadoo horey qeyb uga ahayd waddamadii heshiiskan wax ka waday.