U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Barre: Musuqmaasuqa Ka Taagan Doorashada Ma Maleysan Kartid

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Barre Yusuf Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka 9aad ee hadda wakhtigiisii sii dhamaanayo oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in doorashada uu ka jiro musuqmaasuq baahsan.

Xildhibaan Cabdi Barre oo aan ka wareysannay doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka sida ay Puntland uga socoto ayaa yiri:

“Doorashadu way socotaa in kastoo wakhtigii la yiri habilaabato aaney bilaaban wakhtigii la cayimayna muddo 9 cisho ah ayaa ka harsan, is qabqabsi iyo muran ayaa meel kasta ka taagan, mar haddii aaney wuxu ahayn doorasho hal qof iyo hal cod ah oo la yiri doorasho dadban muranku waa imanayaa meel kastana wuu ka imanayaa, wali doorashadii waa socotaa murankiina waa iska taagan yahay, markaa mar unbay iska soo dhamaan doontaa”, ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in is qabqabsi badan uu ka jiro dhanka ergada wax dooraneysa:

“Wax hadda rasmi ah oo sidaa u badan oo lasoo gudbiyay malaha, maxaayeelay?, is qabqabsi badan baa meesha ka taagan, waad la socotaa guddiga doorashooyinka dadban heer dowlad goboleed iney ku dhawaaqeen iney bilaabayaan Sabtida, iney kaararkii bixinayaan, dacwaa ka bilaabatay illaa 5 beelood dib loo ceshay oo la joojiyay, taasina waa cabashada iyo tabashada beelaha ka imaaneysa, dhan kastaba ha ahaatee dhibaatada ugu weynna waxa weeye; dowladdii Soomaaliya ayaa waxay noqotay mid jahwareersan oo meel ay u socoto aan la aqoon”.

Xildhibaanka waxa uu xusay inuu ka cabsi qabo in dowladnimadii Soomaaliya ay mugdi galsho, maadama qolo kastaa ay leedahay annagaa maanta xaq u leh kursiga, iyadoo aan la eegayn yaa u qalma oo dowladnimada Soomaaliya waxqabad dhab ah ka sameyn kara.

Xildhibaanku waxa uu rajo xumo ka muujiyay ergada 51 qof ah ee soo dooraneysa xildhibaanada oo uu ku sheegay iney sababi karaan isku dhac hor leh oo ka dhex dhaca beelaha Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xarriiqay inuu musuq badani jiro:

“Dowladnimadii Soomaaliya waxaad mooddaa iney meel xun u socoto, arrintaa markii la sameeyay ee la yiri 51 ayaa wax soo dooranaya waxaan u arkaa in Soomaaliya gadaal loo celinaayo oo la rabo dhibaato in la keeno, musuqmaasuqa meel kasta ka taagan aadan maleyn karin, sida ay hadda wax u socdaan haday u socdaan, waxaan u maleynayaa in sanadka cusub bartamihiisa la gaarayo, maxaayeelay? Maalin kasta qolaa soo boodeysa oo oraneysa annaga isim hebel nalama tashan, beeshaydii meesha kama muuqato, ergada anigu cid kuma lihi, waana muran meel kasta ka taagan maaha mid Puntland oo kaliya gaar u ah”.

Xildhibaan Cabdi Barre waxa uu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney dalkooda ka fikiraan oo ay soo xulaan dad dalka iyo dadka Soomaaliyeed u hor seedi kara horumar:

“Waxaan leeyahay ergooyinka iyo isimada iyo siyaasiyiinta iyo waxgaradka intaa iska dhaafno is qabqabsiga aynu ka fakarno midnimadii Soomaaliya iyo wadajirkeeda iyo jirintaankii Soomaalino sidii loo heli lahaa dad tayo leh oo dhisan oo 4-taa sanno wax keena oo Soomaaliya gaarsiiya doorasho hal-qof iyo hal cod ah arrintaas ayaa ku talin lahaa, xaaladdu hadda sida ay ku socotana deeganada Soomaaliya wakhtigaan iyo wakhti u dhaw toona in taas xal laga gaadhi karo”.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa horey u shaaciyay wakhtiga doorashada aqalka hoose ee baarlamaanku in uu soo gabagaboobi doono 10 November oo hadda ay ka harsan tahay 7 cisho oo qura, iyadoo illaa hadana aaney jirin wax doorasho ah oo lagu soo xulayo xubnaha aqalka hoose ee baarlmaanka Soomaaliya.

Goobjoog News