Ra’isul wasaaraha dalka Ruushka Dmitry Medvedev ayaa sheegay in dalkiisu uu ixtiraamayo doonista shacabka Mareykanka oo doortay Donald Trump inuu u noqdo madaxweynaha cusub ee dalkaas maamulaya, waxaana uu xusay iney dhankooda diyaar u yihiin in ay xoojiyaan xiriirkooda madaxweynaha cusub ee la doortay.
Medvedev oo la hadlay warbaahinta dalkiisa ayaa yiri; “Adkeynta xiriirka Ruushka iyo Mareykanka waxay ku xiran tahay doonista maalmulka Mareykanka”.
Waxa uu intaa sii raaciyay ; “Haddii ay diyaar u noqdaan inaan iskaashigeenna kor u qaadno oo aan baal cusub aan furanno oo ka heer sarreysa sidii hore, taariikhda xun ee ay horseedeen maalmulka hadda Mareykanka ka jiraa laga gudbo, annaguna diyaar ayaan markaa u nahay inaan xiriirka hagaajinno”.
Ra’isul wasaaraha waxa uu ku tilmaamay hannaanka doorashada Mareykanka in uu horseeday in uu soo boxo musharax aan la saadaalineyn inuu soo baxi karo.
Goobjoog News