Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka socota doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee baarlamaanka, iyadoo maantana la filayo in doorashada ay halkeeda kasii socoto.
Wariyaha goobjoog ee magaalada Baydhabo C/qaadir Warcadde ayaa soo sheegaya in xarumaha doorashada aqalka hoose ay haatan kusii qulqulayaan ergada wax dooraneysa iyadoo amniga uu yahay mid aad u adag.
Beelaha dega Koonfur Galbeed waxaa qoondo ahaan kusoo aadey kuraasta aqalka hoose ee baarlamaanka 69, waxay doorteen 37 waxaa u hartay 32 kursi, iyagoo sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhameystiraya kuraasta kale ee harsan.
Shalay oo Talaado ahayd ergada doorasho ee ku sugan magaalada Baydhabo waxa ay doorteen 7 kursi, balse maanta kuraasta la dooraanayo inta ay la egtahay weli lama caddeyn.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News