U bood dhigaalka

Jowhar: 200 Oo Qof Oo Uu Soo Ritey Cudurka Shubanka

Wararka laga helayo Isbitaalka guud ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in 72-kii saac ee la soo dhaafay in isbitaalkaasi la dhigay dad gaaraya boqolaal oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Agaasiamaha isbitaalka Jowhar Cumar Sheekh oo maanta Goobjoog News ugu warramay gudaha Isbitaalka ayaa sheegay in seddexdii maalin ee la soo dhaafay ay qabteen dadkii ugu badnaa oo uu soo ritay xannuunka shuban biyoodka.

Cumar Sheekh ayaa sheegay in isbitaalka Jowhar la keenay dad gaaraya 200 oo ruux oo isugu jira dad waayeel ah, haween, carruur, kuwaasoo uu soo la ildaran xanuunka shuban biyoodka.

“Isbitaalka waxaa la keenay 200 qof waxaana isbitaalka ku dhintay shan qof hadda waxaan heynaa 55 ruux intii kale markii aynu u sameynay adeeg degdeg ah dib ayay guryahooda ugu laabteen” ayuu yiri agaasimaha Isbitaalka Jowhar.

Isbitaalka magaalada Jowhar oo ay dadkani jiifaan ayaa la soo sheegayaa in xalay oo ugu dambeysay uu xunnuunkaasi hal qof ugu dhintay isbitaalka.

Degaanno kale oo isla gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jiraan xanuunno saameyn ba’an ku yeeshay qoysaska danta yar ee la daalaadhacaya xaalado dhanka nolosha ah.

Goobjoog News