Guddoonka Cusub ee Golaha Shacabka iyo Guddiga Doorashooyinka Dadban Oo Qodobo Muhiim Ah Isku Afgartey

Guddiga doorashooyinka dadban ee Heer federaal ayaa xaruntooda Hotel Peace ee magaalada Muqdisho kula kulmey guddoonka cusub ee Golaha Shacabka
Guddiga ayaa guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaaro iyo ku-xigeenkiisa koobaad Cabdiwli Muudeey iyo Ku-xigeenka labaad Macad Cawad kala hadley xaaladda doorashada iyo dhameystirka xubnaha kuraasta harsan oo lagu sheegay 14 kursi.
Guddiga doorashooyinka heer federaal oo uu hoggaaminayo Abuukaate Cumar Maxamud cabdulle ayaa guddoonka baarlamaanka u faahfaahiyay halka ay mareyso doorashada iyo sida loo dhameystirayo doorashada oo la sheegei in ay ka harsan yihiin 9xubnood aqalka hoose ah iyo 5 aqalka sare ah., waxaa kaloo lagu heshiiyay in qaab kale loo maareeyo 5tii kursi ee lagu muransanaa
Labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen dhowr arrin waxaa ugu muhiisanaa:
- In la dhameystiro 5 kursi oo ka hartey aqalka sare ee gobollada waqooyi
- in la dhameystiro 9 kursi oo ka dhiman doorashada aqalka hoose
- In haddii Xildhibaan labada aqal midkood ka tirsan uu geeriyoodo ama si kale kursiga u banneeyo uu badalkiisa ku yimaado qaabkii ay doorashadiisa u dhacey iyo goobtii lagu soo doortey.
- In haweeney haddii kursiga ay baneyso labgu badalo badali karo haween kale.
- Waxaa kaloo guddoonka loo dhiibey galal dhameystiran oo ay ku jiraa doorashada Xildhibaan-ka CV-giisa, Lacagihii laga qaadey, sida ID loogu sameeyay iyo wax walbo oo xildhibaanka ku saabsan si loo geliyo arkeefiyada baarlamaanka Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo Sawirro:
Goobjoog News