Shirkada WhatsApp Oo Lagu Ganaaxayo 3 Milyan Oo Dollar
Shirkadda WhatsApp ayaa loo heestaa dacwado ku aadan markii shirkadu ay ku qasabtay in macaamiisheeda ay xogahooda Shaqsiga ah ay la wadaagaan shabakadda Facebook oo leh milkiyadda Adeegga whatsAppka.
Arrintaani ayaa waxaa walaac ka muujisay dowladda Talyaaniga Hey’adda Talyaaniga u qaabilsan ka hortagga awoodaha suuqa lagu qabsado ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in Shirkadda whats’app ay ku ganaaxayaan falkaani.
Ganaaxa shirkadda What’sapp la dul dhigayo ayaa gaaraya 3 milyan oo Euro oo u dhiganta 3.3 milyan oo doolar.
maamulka ilaalinta xogaha ee ururka midowga Yurub ayaa ka dalbaday shirkadda WhatsApp in ay joojiyso xogaha ay la wadaageyso Facebook. Sida lagu daabacay websiteka Sky News Arabia.
Adeegga Shirkadda WhatApp waxaa iska leh shirkadda Facebook, waxaana jiray bilihii dambe qorshe ah in xogaha WhatsAppka lala wadaago shirkadda facebook.
Goobjoog News