70 qof Oo Shuban Biyood Uu Soo Ritay Deegaanka Wardheere, Galgaduud
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2016/12/Shuban-Biyood-Jowhar.jpg)
Labadii todobaad ee ugu dambeeyay dad ka badan todobaatan qof ayuu ku soo ritay cudurka shuban biyoodka deegaanka laas Wardheere ee gobolka Galgaduud .
Dadka uu soo ritay xanuunka shuban biyoodka waxaa daweyn loogu soo qaadaa Isbitaalka magaalada Cadaado si loola tacaalo xaaladdooda caafimaad, maadaama deegaanka uusan laheyn xarun caafimaad sida uu Goobjoog News u sheegay Daahir Caddinuur Diiriye oo ah guddoomiyaha degamada Laas-wardheere.
“Waxaa ka jira dalka ilaa iyo aagga Laas-wardheere abaar baahsan ooh ore taasi oo ay u dhamaadeen xoolaha, dadkiina marka xanuun ayaa soo ritay layiraahdo daacuun , intaan aragnay hal qof ayaa u dhintay dad badanna waxaa keenay Isbitaalka Cadaado”.
Cudurka shuban biyoodka ayaa waxaa uu ku dhuftay gobollo badan oo ka tirsan dalka waxaana u geeriyooday dad badan kuwaas oo iskugu jira caruur iyo haween.
Goobjoog News