Waare Oo Furay Kalfadhiga Afaraad Ee Baarlamaanka Hirshabelle
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Furay Kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Hirshabelle, kaddib Munaasabad Ka dhacday Hoolka Baarlamaanka ee Magaalada Jowhar.
Furitaanka kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Aqalka Sare, xubno Ka Tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, iyo marti Sharaf kale.
Waare ayaa Khubad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka waxaa uuna ka hadlay arrimo la xiriira amniga iyo siyaasadda gobolka.
Dhanka kale Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa hadal u jeediyay Baarlamaanka waxaa uuna kula dardaarmay in dar dargaliyaan howlaha horyaalla Baarlamaanka.
Goobjoog News