U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Howlgallo Ay Ciidanka DFS Ka Wadaan Sh/dhexe

Oktoobar 18, 2018

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo ballaaran waxa ay ka wadaan deegaanno ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ee aynu helnay waxay sheegayaan in ciidamada ay la wareegeen dhowr fariisin oo ay Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Sh/dhexe.

Saraakiisha xoogga dalka ee howlgalkaan wada ayaa sheegay in ay gaari doonaan deegaanno badan oo ay maamulaan Al-shabaab, islamarkaana howlgalka uu socon doono.

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo ballaaran waxa ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News