Akhriso: Natiijada Baarista Hanti-dhowrka Ee Gobolka Banaadir Janaayo-Juun 2018
Hanti-dhowraha guud ee qaranka ayaa isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo waxaa uu baaris ku sameeyey dowladda hoose ee Xamar Janaayo ilaa Juun ee sanadkan 2018-ka, lixdaas bil gobolka Banaadir wuxuu qarash gareeyey $16, 556, 504,75, waxaa ku jirto 5 Milyan Dollar oo aan caddeyn loo heyn meesha ay ku baxday.
Hanti-dhowrka waxaa uu sheegay inay jirto khidmad laga goosto lacagta canshuurta inta aan la xareyn, buugaagta oo aan caddeyn loo heyn, dhakhliga oo aan lagu sameyn tirakoob, dowladda hoose oo aan laheyn miisaaniyad sanadeed, Kharshaadka Dowladda Hoose oo aan lahayn caddeymo dhammaystiran, Hay’ado iyo shakhsiyaad ka baxsan Dowladda Hoose oo si joogta ah lacag uga qaata Dowladda, Habraaca Iibka Dowladda Hoose iyo qandaraasyada oo aan loo marin tartan furan, Waaxda Kormeerka iyo Baarista (Internal Audit) ee Dowladda Hoose oo aan ahayn mid xoogan si hufana u gudan karta waajibaadka loo idmaday, Dowladda Hoose’oo leh sharci shaqaale duqoobay oo aan la jaanqaadi karin xiligan, ma laha hab lagu maamuli karo hantidad guurtada ah iyo ma guurtada, ma laha waax u gaar ah heshiisyada iyo mashaariicda.
Meelaha la baaray waxaa ka mid ah: Dakhliga, Miisaaniyadda, Kharashaadka, Habka Iibka, Shaqalaaha, Qaab dhismeedka, Heshiisyada, Mashaariicda, Deymahaiyo Hantida Guurtada iyo Maguurtada iyo arrimo kale.
Tuusaale ahaan, deymaha Dowladda hoose ay gashay sannadka 2018 waxay isugu jiraan Deyn la sheegay in ay ku leeyihiin Shirkaddo ay gaadiid ka ‘qaadatay dowladda Hoose, shirkado biyo dhuuqis sameeyey, Shirkado dhisay qaar ka mid ah waddooyiinka Magaalada Muqdisho iyo deyn lagu bixiyey afurin loo sarneeyey dad masaakiin ah,
Deymaha Lagu Leeyahay Gobolka Banaadir Jan-June 2018.
Qalabayn Xafiis : $47,691, Internet: $79,035.50, Afurin Dad masaakiin ah: $327,398, Biyo Dhuuqis: $52,277.25, Qalabayn Xafiis: $25,405, Korontada: $86,765.91, Biyo Dhuqis: $58,725, Biyo Dhuuqis: $56,140 , iibin Gaadiid: $314,749 . Dhammaan marka la isugu geeyo deynta lagu leeyahay dowladda hoose ee gobolka Banaadir waa: $1,048,186.66
Arrimaha Dakhliga:
Dowladda Hoose dakhliga ay qabato waxa uu ka soo galaa canshuuraha ay ka qaadaan dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir, Buugaagta ay Dowladda Hoose u isticmaasho dakhli qabashada iyaga ayaa soo daabacda, Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda wuxuu u tiimbareeyaa buugga dushiisa iyadoo Waaxyaha dakhli qabashaduna ay buugaagta ka qaataan Xafiiska Tashiilka Dowladda Hoose ee Xamar.
Ilaha uu dakhligu ka soo galo Dawladda Hoose waxay kala yihiin:-
- Waaxda Gaadiidka iyo Ganaaxyada.
- Waaxda Dad Dhigista ..
- Waaxda Caapmaacifa.
- Waaxda Canshuuraha
- Waaxda Adeegyada
- Waaxda Suuqyada
- Waaxda Maamulka Dliulka
- Waaxda .Nadaafadda . . ‘ .
- Guddiga Khilaafaadka Dhulka
Waaxyha dakhli qabashada DowladdaHoose waxay dakhliga ay qabtaan ka goosanjireen boqoleey (%) ka hor inta aysan u gudbin Khasnadda- Guud ee Dowladda Hoose. Waaxyaha goosan jiray dakhliga waxay kala ahaayeen: Waaxda Gaadiidka iyo Ganaaxyada, Iskaatada Gaadiidleyda. Arrinkaas wuxuu muujinayaa habacsanaan iyo hubin la’aan kajirta Dowladda Hoose sababtayna in lagu xad gudbo Sharciga Maamulka iyo Maaliyadda Dalka Sharci Lambar 317 ee soo baxay 1711211962 qodobkiisa 34aad oo sheegaya in dakhli la qabtay aan la isticmaali karin ka hor lnta aan lagu xarayn Kliasanadda Dhexe ee Dowladda.
Muddadii aan baarista ku jirnay waxaan ogaanay in Dowladda Hoose aysan lahayn habraac tariifo, tariifooyinka canshuuraha lagu qaadana ‘ay yihiin kuwo ay dajiyeen Guddoomiyayaashii hore ee soo maray Gobolka Banaadir -. Sidoo kale waxaan ogaanay in Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ay tariifo la’aan dakhli qabato Iyadoo aanay jirin taariifo rasmi ah ay Waaxdu canshuur kaga qaado maraakiibta raashinka iyodadka lop sameeyo kaararka aqoonsiyada (ID Cards).
Habka lacag qabashada Dowladda Hoose ayaa ah mid aad u liita oo danbeeya, manajiro nidaam guud oo loo maro qabashada ‘iyo keydka dukiunintiyada dakhliga, taasoo keentay in la waayo qaar ka mid ah dukumintiyadii lagu qabtay dakhliga, waxaana muuqata .in ia baalmaray Sharciga Maamulka iyo Maaliyadda Dalka Sli~rci Lambar 317 ee 1711211962. Qodobkiisa 160aad Farqadiisa 2aad oo sheegaya in foojarada lacag . bixinta, buugaagta dakhliga ee dhammaaday iyo dliwaanada xisaabaadka la baabi’in karo toddoba (7) sa110 kadib.. {Eeg Lifaaqa warqada lagu amray Waaxda Caafimaadka.in ay dakhliga k11 qabato),
Dakhliga ay soo uruuriyaan Waaxyaha dakhliga qabta waxay geyn jireen Khasnadda Guud ee Dowladda Hoose, ka dibna waxaa lagu shubi jirey koontooyinka Bangiga Dhexe uga furan. Majirto wax halbeeg ah oo ay Dowladda Hoose ku cabirto dakhliga sannadlaha ee soo gala. Canshuuraha laga uruuriyo Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaan si dheeli tiran loo soo wada uruurin, iyadoo Degmooyin cayiman xoogga Ia saaro halka kuwa kalana aan sidii la rabay looga soo uruurin canshuuraha.
Kharashaadka:
Dowladda Hoose intii aan, baarista ku guda jirnay waxaan ogaanay in aysan lahayn Miisaaniyad sannadeed qorshaysan oo ay ansixiyeen Guddi k madax banaan Maamulka Gobolka Banaadir, laguna saleeyay dakhliga guud ee Dowladda Hoose u soo xarooda. Taasi waxay dhalisay in aysan xakamaysnayn qaabka ay kharashaadka Dowladda Hoose ku baxaan, loona bixiyo si aan qorshaysnayn.
Waxaa jiray in Hay’ado iyo shaqsiyaad ka baxsan Dowiadda Hoose si joogta ah loo siiyay lacago laga qaaday canshuur bixiyayaasha .iyadoo aysan jirin wax heshiis ah aan aragnay oo la galay.
Lixdii bilood ee hore sannadka 20’18 Dowladda Hoose waxay kharash garaysay S 16,556,504.75, dhammaan kharashkaas intiisa badan ma lahayn wax caddeymo ku filan (support documents), sidoo kalana lagama samayn wax xisaab celin ah sidii loo kharash gareeyey. Muddadii baarista waxaan ogaanay in jeegagga lacag bixinta Dowladda Hoose lagu qoro magaca Khasnajiga Guud si uu Bangiga Dhexe uga soo qaado, caddadka lacagaha lagu qoray magaca Khasnajiga Guud ayaa dhammaa SS,972,085.82, manajirin wax caddeynaya in dadkii la siinayay lacagahaas la gaarsiiyay
Goobjoog News