Dekedda Iyo Muqdisho City Club Oo Wada Ciyaaridoona Kulamadoodii U Danbeeyay Wareega Kowaad Ee Horyaalka Soomaaliya.

Kooxda horyaalka Somalia xafidanaysa labadii kol ciyaareed ee lasoo dhaafay ee Dekedda ayaa kulan aad u adag la leh xidigaha Muqdisho City Club oo iyaga qudhooda ka mid ah kooxaha loogu cabsi qabo in olalahan aya ku guulaystaan horyaalka Somalia Premier League 2018-2019.
Dekedda Kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay barbaro 1-1 la gashay kooxda Heegan,Dekedda waxa ay fadhisaa kaalinta 2aad ee kala horeynta horyaalka waxayna lee dahay 17-dhibcood.
Xidigaha Muqdisho City Club iyagana ciyaartii u danbeesay horyaalka waxa ay natiijo 5-2 ka gaareyn dhigooda Jazeera Sports Club,kooxda Muqdisho City waxa ay ku jirtaa kaalinta 4aad ee horyaalka,iyagoo leh 14-dhibcood
Xaqiiqooyinka Ciyaarta Ka Hor
Macalinka reer Uganda ee hogaamiyo kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club Balangu Xuseen ayaa raadinaya guushii ugu horeesay horyaalka Somalia Premier League uu ka gaaro kooxda Dekedda tan iyo markii yimid Soomaliya 13-May 2015,inkastoo kooxdiisa uu kula guulaystay hal heer oo horyaalka Soomaaliya.
Kooxda Dekedda oo dhibada loo taagay sanadii 1973-dii waxa ay hanatay afar jeer oo horyaalka Soomaaliya intii u dhaxaysay sanadihii 1984,2000,2017,2018 iminka waxa ay raadinayaan markii saddexaad oo xariir in ay ku guulaystaan sida uu marar badan sheegay tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo kooxda hogaamiyo.
Muqdisho City Club ayaa horyaalka Somalia Premier League ku guulaystay tiro 5-jeer ah waxayna ka ahaayeen sanadihii 2000, 2006, 2008, 2014 iyo 2016,M.C.C waxaa la aas aasay 1993 waxayna iminka ka mid tahay naadiyada ugu guulaha waaweyn gudaha dalka.
08-November 2018-Muqdisho City Club ayaa 100,000,000 Milyan oo Shilling Soomali kusoo qaatay goolhayihii hore ee kooxda Dekedda Saciid Aweys Cali,goolhaye Saciid ayaa kooxdiisa hore Dekedda kula soo guulaystay horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedkii 2017-2018.
Xasan Maxamed Aadan (Xasan Santos) ayaa ka hortagaya kooxdiisii hore Dekedda,isagoo iminka saddex sano ku sugan naadiga dowladda hoose ee Muqdisho wuxuuna laacibka sameeyay bandhiga aad u saraysa,taas oo keentay in loogu yeero waajibaadka xulka qaranka Soomaaliya markii ugu horeesay.
8-dii Kulan Ugu Horeesay Iyo Natiijooyinka Kooxda Dekedda
07/02/2019 Dekedda SC 1:1 Gaadiidka FC
14/02/2019 Jeenyo FC 2:8 Dekedda SC
21/02/2019 Dekedda SC 1:0 Madbacadda FC
28/02/2019 Midnimo 0:2 Dekedda SC
07/03/2019 Elman 0-1 Dekedda
14/03/2019 Horseed SC 1:0 Dekedda SC
21/03/2019 Dekedda SC 2:1 Jazeera SC
28/03/2019 Heegan SC 1:1Dekedda SC
Kooxda Muqdisho City Club Iyo 8-dii Kulan Wareega 1aad Horyaalka
08/02/2019 Jeenyo FC 1:0 Mogadishu City Club
18/02/2019 Mogadishu City Club 1:1 Midnimo
26/02/2019 Mogadishu City Club 1:2 Horseed S.C
06/03/2019 Mogadishu City Club 1:0 Heegan S.C
13/03/2019 Mogadishu City Club 2:1 Gaadiidka
19/03/2019 Madbacada Qaranka 2:1 Mogadishu City Club
25/03/2019 Elman FC 1:1 Mogadishu City Club
29/03/2019 Jazeera SC 2:5 Mogadishu City Club
Is Aragii U Danbeeyay Labada Dhinac
19/02/2018 Dekedda 1:0 Mogadishu City Club
16/04/2018 Mogadishu City Club 0:0 Dekedda
22/02/2016 Dekedda 1:1 Mogadishu City Club
11/05/2016 Mogadishu City Club 0:0 Dekedda SC
13/05/2015 Mogadishu City Club 0:1 Dekedda SC
29/01/2015 Dekedda 0:2 Mogadishu City Club
03/01/2014 Dekedda 2:4 Mogadishu City Club
04/03/2014 Mogadishu City Club 2:1 Dekedda
15/10/2012 Mogadishu City Club 1:2 Dekedda SC
Ogeysiiska Kulanka
Tartanka:-Horyaalka Somalia Premier League 2018-2019
Kooxaha-Dekedda VS Mogadishu City Club
Tariikhda:--04-04-2019
Maalinta:-Khamiis
Cimiladda Xiliga Ciyaarta: – 32°27°
Garoonka:–Banaadir Stadium