U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasaaradda Amniga Jubbaland Oo Sheegtay Iney Howlgal Ku Dileen Xubno Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah waxay ka bixisay howlgal ay ciidanka maamulkaasi iyo kuwa xoogga dalka ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka wasaaraddan, Cabdi Nuur Mooge oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka ay weerareen xarumo uu sheegay iney iska soo abaabuli jireen Al-shabaab, islamarkaana la baabi’iyey dhammaan xarumahaasi.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in ay dileen 8 ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena meelaha howlgallada laga sameeyey ay Al-shabaab isaga baxeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmahan dambe waxa aad u xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News