Wasaaradda Caafimaadka oo Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyey Kororka COVID-19 Ee Gudaha Dalka
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa soo saartay warbixinta maalinlaha ah ee COVID19,waxaana ay ku sheegtay in wasaaraddu xaqiijisay in la helay kiisas Cusub oo ah Feyruska Karoona .
Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinteeda ku caddeysay in la diiwaan geliyay 95 xaalado cusub oo COVID19 ah, bukaanada la ga helay caabuqa ayaa ku kala sugan 72 Somaliland 17 Gobolka Banaadir Koonfur Galbeed 4 halka Galmudug laga helay 2 Ruux,kuwaas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,689.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.
Goobjoog News