Wasaaradda Caafimaadka oo Maanta Coronavirus Kiisaskii Ugu Yaraa Ka Diiwaan Gelisay Muqdisho
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwan geliyay 22-kiis oo cudurka Covid-19 ah kaas oo laga diiwaan geliyey magaalooyin dhowr ah sida warbixiteeda maalin laha ah ay ku sheegtay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya.
Qoraalka ka soo baxay maanta wasaaradda ayaa lagu sheegay in gobolka Banaadir laga diiwaan geliyey 5 kiis taas oowax badan ka yar kiisaskii maalmihii tagay laga helay magaalada, Somaaliland ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyey 14 xaaladood oo COVID19, halka dowlad goboleedyada Jubbalanad, 1 Hirshabeelle1 Koonfur Galbeed 1 laga diiwaan geliyay kiisas isku oo mid weliba 1 kiis oo Coronavirus ah sida lagu xusay warbixinta wasaaradda.
Xanuunka Coronavirus ayaa labadii maalin ee tagay waxaa soo yaraanayey dadka uu soo ridanayo haba ugu badnaato magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo laga diiwaan geliyey kiisaskii ugu yaraa tan iyo markii xanuunka kiiskii ugu horeeyey la helay 16-kii March 2020 guud ahaan bukaanno ayaa gaarayo 1,711(kun toddobo boqol iyo kow iyo toban), waxaa ka bogsaday 253 (laba boqol konton iyo saddex) halka ay u geeriyoodeen 67 ruux.
Goobjoog News